U bood dhigaalka

Galmudug : Xoogga Dalka oo Gaaray Deegaanno Hor Leh

Sheeko:Amniga

Taliska iyo Saraakiisha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala deegaannada Galmudug ayaa hawlgallo ka sameeyay degaanka Camaara oo ka tirsan gobalka Mudug, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabab.

Taliyaha qeybta 21-aad Ciidanka Xoogga dalka Gen C/Casiis C/Laahi “Qooje iyo Sarakii kale ayaa gaaray Camaara ayaa shacabka deegaanka la hadlay, Camaara ayaa  ka Mid ah  deegaanno dhowr ah oo gobolka Mudug ah oo ay maalulayeen Al-shabab muddooyinkii dambe.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gen: “Qooje” oo la hadlayey  shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay horay usii socon doonaan qorshahooda iyo  mowqifkoodana  uu yahay in nabada la gaarsiiyo dhammaan deegannada kale ee aan xorta aheyn sida uu hadalka u dhigay taliye Qooje.

Waxuna  sido kale taliyuhu ugu baaqay shacabka in Ciidamada ay ku garab siiyaan fulinta howshan, ciidamada soo gaaray deegaanka ayaa fariisinno ka samaystay wadooyinka soo gala deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Camaara ayaa waxaa ka mid noqonaysaa deegaanno dhaca gobalada Mudug iyo Galgaduud  oo ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad ay gaareen  iyadoo ciidamadu horay u gaareen  deegaanka Qaayib oo dhaca bariga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyo Baxdo oo ka samaysteen fariisin ciidan.

Goobjoog News