U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ka Tacsiyeyday Geeridii Fannaan Cumar Shooli

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Fannaankii weynaa Cumar Cabdulle shooli oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa tacsi u diray qoyskii,eheladii,asxbtii,Hobalada waaberi iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi,isagoo Alle uga baryay in uu Jannadiisa ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la xanuunsanayay xanuunka Macaanka(Sokorta), isagoo ugu dambeyna xalay ugu geeriyooday isbitaalka Yardameeli ee magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta dowladda  u xaqiijiyay Axmed Cumar Shooli oo ah wiil uu dhalay Marxuumka.

Horay marxuumku waxa uu u sheegay in madaxda dowladda Soomaalia aysan ka warqabin islamarkaana aysan jirin cid ka socota dowladda oo soo booqatay, waxaana ehelka Cumar Shooli ay sheegeen in dowladda Farmaajo ay dayacday Cumar Shooli oo ahaa fannaan qaran.

Goobjoog News