U bood dhigaalka

Tifaftiraha Goobjoog oo Loo Gudbiyay Xabsiga Dhexe iyadoo Aysan Dhicin Garmaqalka Dacwaddiisa

Sheeko:Dalka

Agaasime ku-xigeenkii Goobjoog  Media Group Cabdicasiis Gurbiye ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe, ee magaalada Muqdisho  iyada aysan dhicin garmaqalka dacwaddiisa markii qareenadiisa ay gudbiyeen gal dacwadeedkiisa.

Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaana ayaana dacwadiisa dib loo dhigay waxaana Maalintii Labaad ku xiran yahay amarka xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya lamana shaacin sababta uu u xiran yahay Cabdicasiis Gurbiye.

Maaaamulka Goobjoog Media Group oo war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen xarigga wariyaha oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo soo marin sifo sharci ah.

Dhanka kale ururrada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ayaa siyaabooyin isku mid ah u cambaareeyey xarigga wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalinkii labaad u xiran dowladda Soomaaliya. Dowladda haatan jirta ayaa lagu dhaliilaa inay inta badan cabburiso saxaafadda xorta ah iyo xorriyatul qowlka.

Wariye Cabdi Casiis ayaa maalinimadii shalay laga wacay degmada Hodan iyadoo ka dib la xiray oo laga qaaday xoriyadiisa waxaana uu caawa habeenkii labaad uu ku hoyanayaa xabsi aan sharci aheyn marka laga reebo inuu u xiran yahay

Goobjoog News