U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Saartay Awaamiir Ku Socota Bulshada Deegaannada Maamulka.

Sheeko:Amniga

Taliska Ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland ayaa war cusub ka soo saaray isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaannadaasi sababo la xiriira cabsi laga qabo faafitaanka xanuunka Coronavirus, taliska ayaana xusay in maanta laga billaabo la mamnuucay isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaannada dowlad goboleedka Puntland.

Qoraal ka soo baxay Taliye ku xigeenka Booliiska dowlad goboleedka Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali, oo ku socotay dhammaan Taliyaasha qaybaha Booliiska gobollada Puntland iyo shirkadaha gaadiidleeyda, ayaa lagu sheegay in la mamnuucay isu-socodka gaadiidka isaga goosha gobollada iyo degmooyinka maamulka Puntland.

                                                                              Halkaan Ka Akhriso Qoraalka

 

Goobjoog News