U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Markale Wax Ka Badashay Bandowga Saaran Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shir jaraa’id oo goor dhow ay aqalka dowladda hoose ee Xamar si wadajir ah ugu qabteen guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish iyo taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxa ay sheegeen in wax ka badal lagu sameeyay bandowga saaran magaalada Muqdisho oo ka bilaabanayay 7:00 fiidnimo.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in iyada oo la tix galinayo cabashada dadka in bandowga waqtigiisii hore dib loogu celiyay kaas oo ahaa 8:00 fiidnimo inuu bilawdo, waxa uuna sheegay in amarkaan uu yahay amar madaxweyne.

Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in xilkii laga qaaday taliyihii saldhigga degmada Boondheere Najiib Carab oo xalay askari ka tirsan booliska degmadaasi uu labo qof oo shacab ah ku dilay halkaasi, waxaana taliyiyuhu uu sidoo kale digniin u jeediyay saraakiisha kale ee hoggaamisa booliska.

Dhanka kale taliyaha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in dadka lugeynaya ee waddooyinka ku socda inuusan bandowgu saameyn ku yeelan Karin waxa uuna hoosta ka xariiqay in kaliya la diidayo isu imaatinka dadweynaha.

Hadalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli maanta magaalada Muqdisho laga dhigay dibadbaxyo waa weyn oo ay shacabku uga soo hor jeedaan bandowga habeenkii ah iyo dil xalay degmada Boondheere loogu geystay dad rayid ahaa.

Goobjoog News