U bood dhigaalka

Saabir Shuuriye: Waxaan Go’aan Sannay inaan Lixaadkeenna isugu Geyno Hormarka Dadka iyo Deegaanka Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay in wasiir looga magacaabay maamulka Galmudug  isaga oo arrinkaasi si weyn u soo dhoweeyay.

Saabir Shuuriye ayaa sheegay in markii ay wadatashi la sameeyeen bulshada kala duwan ee reer Galmudug ay g’aansadeen inay lixaadkooda isugu geeyaan sidii dadka iyo deegaanka Galmudug loo gaarsiin lahaa hormar.

“Kaddib markii aan dib u fekernay oo aan la tashiyo baaxad weyn la sameynay dadkii reer Galmudug qaybahooda kala duwan, waxaa innaga iyo iyaguba wada guddoonsanay in aan u soo gacan bannaano arimaha Galmudug isla markaasna aan lixaadkeena isugu geyno horumarka dadka iyo deegaanka Galmudug oo aan aaminsanahay inaan ka miro dhalin karno hamiga dadka reer Galmudug inshaa’allah” ayuu yiri Saabir Nuur Shuuriye.

Dhanka kale Saabir Shuuriye ayaa ka dhawaajiyay in talo uu isaga iyo Xildhibaan Fiqi u soo jeediyay madaxweyne Qoorqoor ay noqotay mid lagama maarmaan ah taas oo ahayd in labaduuduba ay federaalka uga soo xuubsiibtaan dowlad gobleedka Galmudug.

Waxa uuna markale yiri “Jawaabta ii soo baxaysay waxa ay ahayd in ay lagama maarmaan tahay in Galmudug ay baahi weyn u qabto labeenteeda rag iyo dumarba in ay dib ugu soo laabtaan si loo samata bixiyo dadka reer Galmudug. Ileen talo rag kama dhammaatee waxa ay talo ka maarmi weyday in madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye “Qoorqoor” uu inoo soo bandhigo hindise aniga iyo saaxiibkey Axmad Macalin Fiqi iyo intii kale ee dib nooga soo biiri kartaba in aan ka qayb noqono dadaalka laba-kacleynta Galmudug taas oo ah in aan Federaalka uga soo xuubsiibano dowlad goboleedka Galmudug”.

Ugu dambeyn Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa Alle ka barayay in uu ku guuleeyo howsha loo igmaday.

“Ugu dambeyn, waxaan Alle ka baryayaa in uu nagu guuleeyo hawsha cusub hadana culus ee dadka iyo deegaanada Galmudug aan u qaadnay. Waxaan sidoo kale u baahanahay ducadiina, taageeradiina iyo in aad nagala qaybqaadataan hawsha culus ee na loo dhiibay” ayuu hadlkiisa ku soo gabagabeeyay Saabir Nuur Shuuriye.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye u magacaabay wasiirka dekadaha iyo Kheyraadka dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News