U bood dhigaalka

Sheekh Shariif: Soomaaliya Awood Badan uma Lahan Ka Hortagga Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay xaaladda dalka ee cudurka COVID-19 ayaa ka dhawaajiyay in Soomaaliya aysan awood badan u lahayn ka hortagga xanuunka Coronavirus ee haatan ku sii fidaya dalka isaga oo arrinkaasi u cuskaday in dowladihii awoodda lahaa ay cudurkaan maaro u la yihiin.

Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hadii la is kaashado islamarkaana la qaato farriimaha caafimaadka lagu guuleysan karo in xanuunkaan uusan faafin waxa uuna sidoo kale madaxweyne Shariif ka dhawaajiyay in COVID-19 ka hortag maahane inuusan lahayn wax daawo ah.

“Xanuunka Covid-19  waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa,  sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa xakamaynta faafista cudurkan oo kahortag maahe aan daawo lahayn.

Xaaladda Coronavirus ee dalka ayaa haatan mareysa meel dadka oo idil ay si aad ah uga walaacsan yihiin waxaana kiisaska ay wasaaradda caafimaadka xaqiijisay ku sii dhowdahay 500 iyada oo tirada dhimashada ay mareyso 26, bulshada Soomaaliyeed ayaana wali sidii la rabay u qaadan tallooyinka caafimaad ee loo jeedinayo.

Goobjoog News