U bood dhigaalka

Taliska Booliska Galmudug oo Beeniyay in Xubno Ka Tirsan Al Shabaab Laga Sii Daayay Xabsiga Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Shir jaraa’id oo uu goor dhow magaalada Dhuusamareeb ku qabtay taliyaha booliska Galmudug gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macallin ayaa waxa uu ku beeniyay war ku saabsan in xubno looga shakiyay Al shabaab laga sii daayay Xabsiga Dhuusamareeb ka dib markii sidaas uu sheegay taliyihii booliska caasimadda Galmudug ee xilka banneeyay.

Taliyaha booliska Galmudug ayaa tilmaamay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn waxa uun intaas ku daray in booliska ay ka fog yihiin inay laaluush qaataan waxa uuna hadalka taliyihii Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed ku tilmaamay inuu yahay mid raqiis ah.

Sidoo kale gaashaanle Cabdikariin Xuseen ayaa tibaaxay in hadalka ka soo yeeray dhame Burhaan Axmed ee ahaa in saraakiil sar sare ay xabsiga Dhuusamareeb ka sii daayeen xubno looga shakiyay Al shabaab looga fadhiyo caddeymo sax ah uu muujinaya in xubnahaasi la siidaayay.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli xalay uu iscasilay taliyiihii booliska Dhuusamareeb ka dib markii uu sheegay in xubno looga shakisanaa Al shabaab islamarkaana uu isaga soo xiray ay sii daayeen saraakiil isaga ka sareysa sidaasina uu shaqadii uga tagay.

Goobjoog News