U bood dhigaalka

Puntland oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

Sheeko:Dalka

Saacadihii la soo dhaafay deegaannada maamulka Puntland waxaa laga xaqiijiyay kiisas cusub oo Coronavirus ah ka dib war ka soo baxay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi.

Wasaaradda ayaa shaacisay in 11 ruux laga helay xanuunka COVID-19 ka dib baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkaasi.

Dadka cudurka laga helay ee maamulka Puntland ayaa kala ah 7 rag ah iyo 4 dumar ah kuwaas oo kala jooga goballada Nugaal iyo Karkaar.

Puntland waxaa cudurka Coronavirus uu ku dhhacay guud ahaan 136 ruux halka 5 qof ay xanuunka u geeriyoodeen.

Goobjoog News