U bood dhigaalka

Laamaha Amaanka Magaalada Guriceel oo Gacanta Ku Dhigay Khamri iyo Raggii Watay

Sheeko:Amniga

Hey’adaha amaanka magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud oo saacadihii la soo dhaafay howlgaallo kala duwan ka waday magaaladaasi ayaa waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen khamri fara badan iyo raggii watay oo hadda xabsiga ku jira.

Taliyaha booliska degmada Guriceel Daahir Faarax Axmed oo warbaahinta kula hadlayay meel fagaare ah oo lagu soo bandhigayay kahmrigan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nuucyada waa weyn iyo kuwa yaryar ee khamriga iyo nuuc ka mid ah xashiishka, waxa uuna sidoo kale taliyuhu xusay in waxyaabahan maanka dooriya ay ka soo galaan magaalada dhinaca xadka gobalka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya.

Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay gacanta ku soo dhigeen ilaa iyo 6 eedeysane kuwaas oo haatan gacantooda ku jira, waxa uuna shacabka degmada Guriceel ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa waxyaabaha maanka dooriya oo uu sheegay in falkasta oo xun ay sabab u yihiin.

Qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya howlgallo lagu baacsanayo dadka waxyaabaha maanka dooriya keena deegaannadaasi iyada oo laamaha amaankana ay muujinayaan feejignaan ku aaddan sidii ay uga hortegi lahaayeen falalkaasi oo bulshada caafimaad ahaan iyo amni ahaanba aan u wanaagsanayn.

Qaar ka mid ah gobalada dalka ayaa si joogta ah loo geeyaa waxyaabaha maanka dooriya iyada oo dowladda Soomaaliya aysan la imaan tallaabooyin looga baaqsanayo sidii loo ilaalin lahaa caafimaadka iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed.

Goobjoog News