U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka COVID-19 24-kii Saac Ee Tagtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay  in la diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19 ah,

Wasiiradda ayaa sheegtay bukaannadaan ay kala oo kala jooga Somaliland 19 iyo Galmudug 15, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,368  waxaan jirin wax kiis cusub oo maanta laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir, dowlad goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Wasiir  Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhanka kale xustay in  COVID19 ay ka bogsoodeen 29 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 470,

Bukaannada cusub 24 kamid ah waa Rag, 10-na waa Haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay hal bukaan ayaa  u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 84 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo waxaana la dareemayaa inuu fayruska ka siiyaraanayo dalka sida laga arko in maanta wax kiis ah aan laga diiwaan gelin magaalada Muqdisho.

Goobjoog News