U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen James Swan iyo Wasiir Islow?

Juun 13, 2020

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya  Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Wasiir Islow iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka.

“Waxaan maanta kulan la yeeshay wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka,” ayuu yiri wasiir Ducaale.

Goobjoob News