U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Laga Dalbaday Meelmarinta Hindise-sharciyeedka Jinsiga

Sheeko:Caafimaadka

Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen urrurada ka shaqeeyaya arrimaha xuquuqda haween ee  SSWC,IIDA Iyo SWA ayaa looga haylayay sidii loo meelmarin lahaa hindise shariciyeedka  jinsiga ee haatan horyaala Barlamaanka  Iyo xaqiinjitinta qoondada Haweenka ay leeyihin doorashada Soo socota ee 2021.

Aamino xaaji Cilmi guddomiyaha hay,adda SSWC, Sahro Maxamed Axmed  guddoomiyaha hay’adda SSWDC iyo Duniyo Maxamed Cali (Carshaan) guddoomiyaha hay’adda IIDA ayaa hadlay muhiiimada sharcigaan uu u leeyahay haweenka Soomaaliyeed waxaana ay ka codsatay in barlamaanka si dhaqsi ah uga shaqeeyaan meelmarintiisa iyagoo sidoo kale sheegay in hisdise sharciyeedka uu muhiim u yahay sidi looga hortagi laha xad gudubyada loo geystoHaweenka.

Nasro Xasan Guhaad oo ku hadlaysay magaca ururada bulshada rayidka ayaa sidoo kale warbaahinta u akhrisay war murtiyeed ay soo saareen waxaana ay sheegay sheegtay in sharcigaan uu laf dhabar uyahay in wax laga qabto xad gudubyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliya.

Wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sideedii bishii  lixaad ee sanadkii 2018 barlaamaanka u gudbisay hindise sharciyeedka Jinsiga waxaana haweenka maanta ku kulmay ay ka codsadeen in sharciyaasi lagu soo daro ajandayaasha ugu horeeyay oo ay ka doodi doonaan barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka.

Halkan Ka Daawo Sawirro Ku Saabsan Kulankii Ururadii Haweenka    Goobjoog News