U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Agab Caafimaadka Guddoontay Dowladda Ethiopia

Sheeko:Caafimaadka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Ethiopia Mudane Axmed Shide ayaa maanta booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,  waxaana Wasiirka Maaliyadda ku weheliyey Wasiirudowlaha Arrimaha Debadda Mudane Ridwan Xuseen iyo xubno kale.

Wafdiga ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya soo gaarsiiyeen daawooyin iyo agab caafimaad oo lagula tacaalayo ka hortagga faafidda COVID19 oo qiimahoodu gaarayo nus Milyan doolar

Agabka waxa uu isugu jiraa daawooyin iyo qalabka difaaca qofka (PPE), waxaana loogu adeegi doonaa shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa agabka kala wareegay wafdiga ka socda dowladda Ethiopia.

Soomaaliya ayaa horey waxaa u soo gaarayay deeqo caafimaad oo ka kala yimid qaar ka mid ah dowladaha Caalamka, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan Turkiga, Qatar iyo kuwa kale, looguna talagalay in looga hortaggo faafidda COVID-19, waxaana dowladda Ethiopia ay qeyb ka noqoneysaa saaxiibada Soomaliya ka caawinaya ka hortagga cudurka COVID-19.

Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya Danjira Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda uu socdaalkooda la xiriiro sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa ka hortagga faafidda COVID-19.

     

Goobjoog News