U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda oo Darawal Ku Dilay Exkoontarool

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa nin Darawal ah ku dilay Isgooyska EXkoontarool Afgooye. Darawalka la dilay ayaa watay gaari caasi ah.

Askariga ayaa darawalka dilay ka dib markii ay ku murmeen dhiibitaanka lacago askariga uu weydiiyey, maadaama goobta ay ku yaallaan dhowr Boosteejo laga raro buubuurta soo aadda  magaalada  iyo kuwa u baxa Afgooye.

Askarigii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, ka dib dilka ninka Darawalka ah , ciidamada dowladda oo degan Exkoontrool oo goobta soo gaaray ayaa ku guul dareystay soo qabashada askarigii dilka  geystay.

Ciidamada dowladda ayaa asbuucaan gudihhiisa dilay sedex qof oo shacab ah oo uu ugu dambeeyey ninkaan darawalka ah, iyadoo degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar-jajab, lagu dilay wiil farsamo yaqaan ah iyo oday miis yar ku lahaa degmada Xamarjajab, sedexdaas qof ayaa sababsaday gacmamaha ciidamada dowladda federaalka.

Goobjoog News