U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Xaaladaha COVID-19

Juun 24, 2020

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Coronavirus, waxaa ay ku sheegtay in dalka laga helay 25 xaaladood oo cusub oo xanuunka COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in kiisaska laga kala helay Somaliland 17, gobolka Banaadir 7 iyo maamulka  Koonfur Galbeed oo laga xusay 1 kiiis, waxaa soo bogsaday 8 ruux, halka aan la xaqiin muwaadin u geeriyooday xanuunka.

Kiisas wasaaraddu shaacisay 19 kamid waa Rag, halka 6-ka kale yihiin Dumar. guud ahaan xanuunka ayaa waxaa ayaa ku dhacay  2,860, waxaa ka bogsaday 837, halka guuda ahaan  dalka ay ugu geeriyoodeen 90 Muwaadin.

Goobjoog News