U bood dhigaalka

Muuqaal:-Madaxweyne Farmaajo Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyay Todobaadka Xorriyadda

Sheeko:Amniga

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay.

“Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda”

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Madaxweyne Farmaajo Iyo Hambalyada Todobaadka Xoriyada