U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Sheegay in Galmudug iyo Puntland ay Bilaabayaan Howlgallo Wadajir ah

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah  Al-shabab iyo Daacish oo ku sugan Galmudug iyo Puntland. .

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in maamullada Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan arrimaha amniga, isaga oo xusay in wax fursad ah aysan sii doonin kooxahaasi sida uu hadalka u dhigay madaxweyne dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu wacad ku maray in ciidamada labada dhinac ay howlgallo wadajir ah ka bilaabi doonaan gobolka mudug, Bari iyo Galgaduud oo labada maamul ay kawada arimiyaan.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa siiwatay ayaa intaasi ku daray in kooxahaan ay sii huriyaan  dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday deeganada Galmudug iyo Puntland ay ka arimiyaan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ay kulan xasaasi ah ku yeesheen waqooyiga Gaalkacyo, iyaga oo isku afgartay xoojinta amniga labada maamul.

Goobjoog News