U bood dhigaalka

Shirka Dowlad Goboleedyada oo Maalinta 2-aad galay, Akhriso Filashada

Sheeko:Amniga

Waxaa maalintii 2-aad galay shirka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlad federaalka ah uga socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Shirkan oo shalay furmay waxaa ku sugan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada sida Axmed Madoobe(Jubbaland), Cabdicasis Lafta-gareen(Koonfur galbeed), Maxamed Waare(Hirshabelle), Axmed Qoorqoor(Galmudug) iyo Saciid Deni oo Puntland ah.

Ujeedka shirka ayaa lagu sheegay in xal looga gaarayo arrimo ay ku jirto doorashada 2020/2021, waxaana lagu wadaa in war-murtiyeedka lagu xuso in sanadkan aaney dhici karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in dhammaan saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan dowladda federaalka ah iyo xisbiyada ay ka tashtaan wadiiqo kale oo doorasho loo galo.

Goobjoog News