U bood dhigaalka

Dr Xasan Sheekh Cali “ Farmaajo Waa In Uu Ogaadaa Haddii La Gaaro 8-da Febraayo In Uu Yahay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ”

Sheeko:Amniga

Magaalada Dhuusmareeb waxa ka soconaya shirar  gooni- gooni oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka , xubnaha maamul goboleedyada iyo bulshada rayidka.

Shirka madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa ah mid looga hadlayo  doorashada 2020/2021 iyo naaca ay noqon doono, maadama dowladda ay ku adkeynayso doorasho qof iyo cod ah.

Bulshada rayidka ayaa  dhankooda waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in la muujiyo isu –tanaasul  iyo in dalka ay ka dhacdo  nooc doorasho oo la isla ogol yahay.

Dr Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka mid ah Bulshada Rayidka ee ku sugan Dhuusmareeb oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in shirarka badankooda ay salka ku hayaan sidii dowladda looga dhaadhacin lahaa in dalka xilligan ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah

Halkan Ka Daawo Waraysi DR.Xasan Sheekh Uu Siiyay Goobjoog News

Goobjoog News