U bood dhigaalka

Askar Lagu Eedeeyey Rasaaseynta Dad Shacab ah Oo Garowe Lagu Xiray

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada booliiska gobolka Nugaal ee  Puntland ayaa sheegay in lagu guulaystay, soo qabashada laba askari, kuwaas oo lagu eedeeyey in Garoowe ay rasaaseeyeen haween ganacsato ah oo dhigayey dibadbax cabasho ah.

Dumarkaan ganacsada ayaa ahaa kuwo dan yar ayaa waxaa ay ka cabanayeen lacago la sheegay in lagu kordhiyey canshuurta, ayaa waxaa ay qaarkood ku dhaawacmeen rasaastii ay rideen labadaan askari, kuwaas xabsiga la dhigay.

Saraakiisha booliska goblka ayaa sheegay in aad uga xun yihiin wixii dhacay iyo dhibaatada loo geystay haweenkaan ganacsatada ah, waxaana ay xuseen in tallaabo sharci ah laga qaadayo aggii geystay falkaas oo ciidanku  soo xisay.

Goobjoog News