U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Xukunkii Weriye Gurbiye

Sheeko:Amniga

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunkii wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafatiraha Goobjoog Media Group,Xildhibaanada ayaa sheegay in xukunkaasi yahay awood sheegasho iyo Caburin xorriyadda hadalka ah.

Xildhibaan Maxamed Ganey ”Sharciga Dalka ayaa ogolaanaya Xorriyadda hadalka sidaas oo ay tahayna caburinta saxaafadda ayaa ka socota Xafiiska Madaxwaynaha”

Xildhibaan Beenebeene ”Wariye Gurbiye qof soo dacweeyay lama yaqaan hadana waa la xukumay waa layaab”

Xildhibaan Sacdiya ”Madaxwaynaha wuxuu ka been sheegay balan qaadkiisii ahaa xorriyadda hadalka, gurbiyana sharci darraa lagu haystaa”

Xildhibaan Caananuug ”Xukun Sharci darro ah ayaa lagu riday wariye Gurbiye”

Goobjoog News