U bood dhigaalka

Koofur Galbeed oo Hay’addaha Samafalka u Dirtay Baaq Ku Aadan Fatahaadaha Webiga Shabeelle

Sheeko:Dalka

Wasiirka gar-gaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdinuur Cabdi Caruush ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay dar-dargeliyaan howlahooda ku aaddan taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Mudane; Caruush oo ka hadlayay kulan ay Muqdiho ku yeesheen Guddiga samata bixinta Dadka uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle ee Koofur Galbeed ayaa intaa ku daray in uu si wanaagsan u socdo gurmadka, iyagoo la kaashanaya Dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Degmooyinka Afgooye, degaanno ka tirsan Marka, Wanla-weyn iyo Aw-dheegle ay si weyn u sameeyeen fatahaadda Webiga, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay Wasaaradda Caafimaadka KG oo Dadka barakacay la garab taagan taakuleyn iyo wacyi gelin ku saabsan xanuunka Coronavirus.

In ka badan 40 oo Qof ayuu sheegay Wasiirku in ay saameysay fatahaaddu, halka 15,000 ay ku barakacday, wuxuuna intaa ku daray in Dadkaasi qaar ka mid ah loo qaybiyay Lacag, qaarna ay Raashiin iyo Agabka kale, isagoo ku cel-celiyay ka mahad-celinta doorka Bini’aadam-nimo ee ay hay’adaha samafalka, Dowladda dhexe iyo maamulka KG ka geysteen taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Goobjoog News