U bood dhigaalka

Faah-faahin: 19 Qof Ku Dhimatay Weerarkii Ka Dhacay Xabsiga Dhexe

Sheeko:Amniga

Afhayeenka ciidamada asluubta Cabdiqani Maxamed Qalaf oo maanta ka hadlay weerar shalay ka dhacay xabsiga dhexe ayaa sheegay in 15 maxbuus ay dhinteen halka ay dhaawac yihiin 7 kale.

Askarta ayaa waxaa si gaar ah uga dhintay 4 askari waxaa sidoo kale dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidanka asluubta.

Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in hadda xaaladdu si caadi ah kusoo noqotay iyada oo dadkii waxyeelada soo gaartay la kala geeyey isbitaallada.

Goobjoog News