Xisbiga Horomarka Shacabka Oo Soo Dhoweyay Heshiiskii Dhuusamareeb-3
War qoraal ah oo ka soo baxay xisbsiga Xisbiga Horumarka shacabka ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin , qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusmareeb-3 xaalada guud ahaan dalka xukumada xil- gaarsiinta iyo arimo kale.
Xisbiga Horumarka shacabka ayaa sheegay in nooca Degaan doorasho ay tahay bilow wanaagsan , hase ahaatee loo baahan yahay in taladeeda wax laga siiyo saamileyda siyaasadeed isla markaana ay yihiin kuwo la fulin karo.
Qoraalkan oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka shacabka Mudane Cali Maxamuud Ciise- Cali Guray ayaa sidoo kale lagu soo hadal sida ay muhiim u tahay In la isku baadi- goobo dhinacyadii ka maqanaa shirkii Dhuusmareeb-3 sida Puntland iyo Jubbaland.
Warsxafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal isla markaana la qabto doorasho ka bedelin tii 2016-kii, kana casrisan lana aqbali doonin dib u dhac waqtiga doorashada.
Mar uu Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka shacabka Mudane Cali Maxamuud Ciise- Cali Guray ka hadlay Ra’iisulwasaaraha magacaabistiisa laga sugayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu yiri.
“Madaxweynaha waa in uu soo magacaaba Ra’iisulwasaare dar-dar galiya howsha doorashooyinka ee , lana fariistaa dhinacyada ka maqanaa shirka ee Jubbaland iyo Puntland iyo saamileyda siyaasadeed si loo hal mowqif oo la isku raacsan yahay si dalka uusan u galin marnaan”
Xisbiga ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay sidoo kale in xukuumada xil garsiin ay magacowdo xil, keliya shaqadeeda ay tahay in xilka ay gaarsiiso Ra’iisulwasaaraha la soo magacaabayo.
Daawo Qoraalka Ka Soo Baxay Xisbiga Horomarka Shacabka
Goobjoog News