U bood dhigaalka

Saciid Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Guul Iyo Horomar Ku Sheegay Shirarkii Ugu Qabsoomay Garoowe

Sheeko:Amniga

Warmurtiyeed kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in Muqdisho u iman doonaan shir wadatshi ah,iyaga oo intaa ku daray in intii ay ku wada hadlayeen Garoowe ay wada hadal xagga telefoonka ah la yeesheen madaxda Dowladda Fderaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Daawo Warmurtiyeedka Ka Soo Baxay Shirarkii U Dhaxeeyay Labada Maamul

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in kulamadii ku qabsoomay magaada Garoowe guul ay ku soo dhamaadeen guul iyo horomar kuwa kale ay sidaa ka rajaynaynaa.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa isna sheegay in ay madaxda heer Ferdaal iyo heer Dowlada goboleed loo baahanay in loo tanaasalo danta shacabka.

S kastaba Labadan mas’uul ayaa iman-doona Muqdisho si ay Villa Somalia u hordhigaan waxyaabaha wax ka bedelka u baahan ee heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo la warinayo in mabd’a ahaan ay aqbaleen.

Goobjooog News