U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo Muddada u Kordhiyey Xafiiska UNSOM

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa muddo kordhin u sameeyey xafiiska howlgalka Soomaaliya ee UNSON, oo waqtigiisu ku egaa sanadkaan.

Golaha oo kulan yeeshay maalintii Jimcaha ayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2540, kaas oo waqtiga loogu kordhiyey  safiiska Soomaaliya ee UNSOM.

Qaraarka ayaa lagu go’aamiyey in xafiiska loo kordhiyo muddo halsano ah, maadaama waqtiga xafiiska uu ku ekaa 31 bisha August 2020-ka iyadoo la gaarsiiyey ilaa 31- bisha August 2021-ka.

Goobjoog News