U bood dhigaalka

Goobjoog Media Group Ayaa Muqdisho Ugu Qabatay Qaar Ka Mid Ah Weriyayaal Tababar La Xiriira Nidaamka Cadaaladda & Dembiyada

Sheeko:Amniga

Ujeedka Guud ee Seminarkan ayaa ahaa sidi Suxufiga ka shaqeya gudaha dalka uga gaashaman laja dembi lagu so oogo, iyo sidi ila tacaamuli ahaa Hey’adaha Garsrooka Dalka oo qaar ka mid ah heerka cadaladdodu ay liidato.

Tifitaraha Radio Hiigsi Maxamed Cabdiwahaab Nor Abuuja, iyo Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa Weriyaashii madasha ku sugnaa la wadaagay waaya-aragnimada ay u leeyihiin arrimaha Garsoorka, waxana ugu horreyn ujeedka kulanka faah-faahiyay Agaasimaha Guud ee GMG Xasan Maxamuud Maxamed.

Qareen Maxamed Genboon ayaa sharraxad dheerad ah ka bixyay qodobbada iyo xeerarka Suxuiga u ogolaanaya in u dalbado xuquuqda ka maqan marka uu xukun sugaha yahay, waxana uu dhanka kale soo jeediyay Taloyin dhowr ah oo u furan in u isku difaaco qof waliba oo kiis lagu soo oogo.

Agaasimaha Goobjoog TV Aweys Xaaji Nor ayaa u mahad celiyay cid kasto oo ka so shaqaysay in kulan uu qabsoomo iyo inta so ajiibtay, isagoo oo dhanka kale soo jeediyay in qof waliba uu dhaqan geliyo waxyaabhii uu maanta kororsaday.

Qaar ka mid ah Weriyashi ka faa’iidaystay aqoon kororsigan ayaa ka mahad celiyay qabsoomidda madashan, soona jeediyay in la badiyo kulamadan oo kale.

Madaxweynaha Soomaliya aya dhowaan saxiixay Xer cusb oo ay yeelatay Warbaahinta Soomaliya, xeerkaa oo ka kooban 41 qooddob aya Hey’adaha u dooda suquuqda Saxaafadda sheegen in ay ku jiraan qodob ka hor imanaya xorriyatul qowlka, waxana aqoon kororsigan uu ahaa mid feejignaan faraya Weriye kasta oo lagu soo qaado dacwad ka dhan ah xorriyaddiisa.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarkii Ay Qabatay Warbaahinta Goobjoog Media Group

Goobjooog News