U bood dhigaalka

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Iyo Madaxda Wasaaradda Difaaca Dalka Oo Ka Wada Hadlay Dib U Habaynta Ciidamada

Ogoosto 31, 2020

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaarada Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa manta kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hoggaannada ciidamada Qaranka.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) Sii hayaha Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka , Jenaraal; Odowaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaanka qeybaha dalka ayaa waxaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammaystirka dib u habaynta ciidamada.

Eeeg Sawiradda Kulankii Mahdi Guuleed Iyo Hoogaanka Ciidanka Xoogga Dalka      

Goobjoog News