U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Kiiska Kufsiga iyo Dilka Xamdi

Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney wadaan baaris la xiriirta kiiska Xamdi Maxamed oo duhurnimadii jimcihii lagu dilay xaafadda Maajo ee degmada Waaberi, Muqdisho.

Booliiska ayaa intaa ku daray iney soo xireen 4 eedeysane isla markaana ay wadaan baaris oo lagu ogaanayo wixii dhacay iyo cidda falkaasi ka dambeysay.

Dhacdadan ay booliiska baarayaan waa Xamadi Maxamed oo 19 jir aheyd, kuna dhalatay Ceelbuur balse hadda ku nooleyd Deyniile, Muqdisho, sanadkanna ku baastay imtixaanka dowladda oo si inta la kufsaday, laga soo tuuray dabaq lix biyaano ah.

Eheladda gabadha ayaa sheegaya iney la nooleyd habaryarteed 10-kii sano ee ugu dambeeyey isla markaana ay aheyd qof fiican.

Ehellada ayaa booliiska iyo hey’aadaha dambi baarista ka dalbaday in la ciqaabo dadka dhibaatada geystay si aaney u dhicin dhib kan oo kale.

Goobjoog News