Madaxweynaha Galmudug oo maanta hortagaya Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta oo Talaada ah hortagaya Golaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweyne Qoor qoor ayaa xubnaha aqalka sare la wadaagi doona xaaladaha Galmudug , safaro uu ku kala tagay magaalooyinka Jabuut , iyo Nairobi
Waxa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug khudbadiisa uu ku soo hadal qaadi doona hadallada- Dowladda iyo Dowlad goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka
Hore aqalka sare waxa u tagay oo khudbad ka jeediyay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdulllaahi Deni iyo Axmed Madoobe , waxa uu noqonayaa Madaxweynihii seddaxaad oo hortaga Golaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya
Goobjoog News