U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Sheegaya Iney Qabteen Ruux Ku Lug Lahaa Kiiska Xamdi, Waa Kii 12-aad

Sheeko:Amniga
Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qabteen ruux ku eedeysay kiiska kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Marxuumad Xamdi.
General Zakiya Xuseen taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa tiri sidan: “Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib”
11-kii bishan ayey aheyd markii Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd lagu kufsaday kadibna dabaq laga soo tuuray xaafadda Maajo oo ka tirsan degmada Waaberi, ee caasimadda Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ayaa horay u sheegay in hayaan ilaa 11 qof oo isla kiisakan ku eedeysan, waxaana lagu wadaa in la sii balaariyo baaritaanka kadib markii uu kiiska gaaray golaha shacabka.
Goobjoog News