U bood dhigaalka

Saqiir Kale Oo Lagu Fara Xumeeyey Xamar

Wararka ayaa sheegaya in saacadihii tagay kufsi kale uu ka dhacay caasimadda Muqdisho, markan waa gabar saqiir ah oo 5 jir ah,

Samiira Yuusuf Maxamed  ayaa la sheegayaa in lagu kufsaday Waaxda Faanoole, oo ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho iyada oo ninkii fara xumeeyeyna uu baxsaday.

12-kii bishan ayey aheyd markii la weriyey in wiil yar lagu kufsaday xaafadda Djibouti ee degmada Shingani, wiilkan waxaa uu jiray 10 sano.

11-kii isla bishan waxaa inta la kufsaday, dabaq laga tuuray gabar 19 jir aheyd, waa Xamadi Maxamed Faarax, in ka badan 5 qof ayaa loo hayaa kiiskeeda.

Arrimahan kufsiga ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho xilli hindise sharciyeed la xiriira kufsiga uu yaalo golaha shacabka.

Goobjoog News