U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo La wareegay Tuulada Basra

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaga dhexe waxaa ay kuala wareegeen tuulada Basro oo hoos timaado degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ciidanka ayaa intii uu howllgalku socday waxaa ay dagaal kooban kala kulmeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab oo ku sugnaa Basro muddooyinkii lasoo dhaafay.

Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka Basra lagu qabsaday mana jiro waxa warra oo ka soo baxay labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray.

Al-shabab oo qoraal soo dhgay barahooda bulshada ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar dhabo gal ah ay ku qaadeen ciidamada huwanta ah xili ay ku safraayeen inta u dhaxeyso Basro iyo degmada Balcad.

Goobjoog News