Xoogga Dalka oo Ka Hadlay Howlgallo Laga Fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in gobolka Shabeellaha hoose howlgal ay ka fuliyeen lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabab, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ururka 143-aad ee xoogga dalka.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii ahaana madaxii Howgalinta Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka ee gobolka Shabeellaha hoose.
Labada horjooge ayuu Taliye Axmed waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay Ciise tima weyne oo ku magac dheer Abuu dheere waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Abaandullaha Howlgalinta iyo Qooreey oo Al-shabaab u qaabilsanaa zakawaadka gobolka.
Goobjoog News