U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo Baarlamaanka Galmudug Horgeeyey Sharciga Dhismaha Ciidanka Nabadgalyada

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta golaha wakiillada maamulka Galmudug  horgeysay hindise-sharciyeedka dhismaha ciidamada Booliiska dowlad goboleedka.
Wasiirka Amniga Gudaha Md. Axmed M. Fiqi ayaa golaha sharaxaad ka siiyey hindise-sharciyeedka ayaa sharaxaad sida Galmudug baahi qabto sharcigan gaar ahaan waqtigan la joogo oo ay wasaaraddu ku hawllan tahay dhismaha ciidamada amniga Galmudug oo ay ka mid yihiin Boolisku.
Wasiirka Amniga ayaa xusay isagoo tixraacaya dastuurka dawlad goboleedka Galmudug In qodobkiisa 69aad uu ogolaanayo in “Dawlad Goboleedka  Galmudug ay yeelato ciidamo nabadgalyo oo isugu jira: Booliis, Birmad, Nabadsugid iyo ciidamada Asluubta”.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay asagoo cuskanaya heshiis dhexmaray dawladda federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka kana dhacay Baydhabo 24 Juun 2016 in lagu jaangooyey qaab-dhismeedka cusub oo ay yeelanayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo noqonaya laba heer oo kala ah heer federaal iyo heer dawlad goboleed, mid walbana uu yeelanayo sharci Booliis oo u gaar ah, kan heer federaal ahna laga ansixinayo barlamaanka federaalka, kan heer dawlad goboleedna laga ansixinayo barlamaanada dawlad goboleedyada”
Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug ee maantay barlmaanka la horgeeyey ayaa ka kooban 14 cutub iyo 82 qodob oo dhammaan ka hadlaya waajibaadka, hawlaha iyo xuquuqda ciidamada Booliiska Galmudug iyo qodobo kale.
Wasiirka Amniga oo ay wehliyaan wasiiru dawladaha wasaaradda amniga iyo agaasimaha guud ayaa xildhibaanada barlamaanka ka codsaday in ay sharcigan waajibkooda dastuuriga ka gutaan oo ayna ansixiyaan inta lagu guda-jiro kalfadhiga 2aad ee barlamaanka maamulka Galmudug oo dib u furmay.
Goobjoog News