U bood dhigaalka

Soomaaliya: Bangiga Adduunka oo Sheegaya in Dhaqaalaha Hoos u Dhacay 1.5%, Akhriso 3 Sabab

Sheeko:Amniga

Bangiga adduunka ayaa sheegay in uu sanadkan hoos u dhacayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ilaa 1.5% taasi oo ku timid saameynta COVID-19, Fatahaadaha iyo Ayaxa.

Sida ay bangigan uu ku sheegay warbixinta 5-aad ee dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa la filayey in hoos u dhacdo uu gaaro ilaa 2.5% in June, taasi waxaa muuqata in uu sidaa ka roonaadey.

Sida warbixinta ku jira waxaa hoos u dhac ku iman doonaa sanadkan canshuuraha taas oo gaari doonta ilaa 1.4% oo  GDP-ga ah, una dhganta $67 million halka uu kor u kici doono qarash gareynta oo gaari doonta ilaa  2.4% GDP-ga marka loo eego 2019.

Bangiga waxaa uu ku ammaanaay dowladda federaalka ah iney lacago ka badan sanadkii ay hore ay ku bixisay maamul goboleedyada iyo nidaamka federaaleynta, lacagta ayaa gaartay 146 million marka loo eego $42.6 million uu ahaa sanadkii hore.

Ugu dambeyntii, waxaa ay warbixintan odoroseysaa in 2021 uu dalka geli doono kobac dhaqaale oo gaari doona ilaa 2.9%, waase haddi uu dhamaado COVID-19, lacago badan lasoo xawilo, xaaladdana ay caadi noqoto, oo haddii xumaato waxaa la filayaa 1.9% sanadka soo socda.

Dhanka kale, maanta oo  ay warbixintan bangiga adduunka soo baxday, Goobjoog TV waxay qaatay falanqeyn arrintaas la xiriirta oo ay ka qeyb galeen khubaro bangiga adduunka ah iyo wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Goobjoog News