U bood dhigaalka

Dad Gaarayo 100 Ruux oo Lagu Laayey Itoobiya

Sheeko:Amniga

Weerar khsaare badan dhaliyey oo ka dhacay dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu la’yahay dad tiradooda lagu sheegay in ka badan 100 ruux, waxaana si gaar ah uga dhacay waqooyiga gobolka Oromia, oo ah kan ugu dadka badan dalka Itoobiya sida ay sheegayaan wararka laga helaayo dalkaasi.

Weerarkan ayaa sida ay laamaha amniga sheegeen waxaa geystay xubno ka tirsan ururka hubeysan ee lagu magacaabo ciidanka xoreynta Oromada, kadib markii dadka loogu yeeray shir lagu sheegay dib u heshiisiin oo ka dhacayey Tuulo lagu Qaaqaa oo hoostagta gobolka Welig ee ismaamulka Oromia kadibna waa la laayey dadkaasi.

Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli qalalaasaha iyo weerarrada salka ku haya qabaa’ilka ay kasii socdaan dalka Itoobiya, wuxuuna cadaadiska kusii kordhayaa dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka.

Xafiiska Abiy oo qoraalka kasoo baxay lasoo geliyey Twiter-ka ayaa tacsi u diray ehelada dadkooda la laayay. Wararka ayaa sheegaya in dadka weerarka lagu dilay ay dhammaantood kasoo jeedeen qowmiyadda Amxaarada.

Qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bogga uu xafiiskiisa ku leeyahay Facebook-ga ayuu ku yidhi: “Waxaan aad uga murugsanahay weerarka loo geystay dadka reer Itoobiya ee salka ku haya heybta”.

Raiisawalwasaaraha oo sii hadlayo ayaa yiri “Cadowga Itoobiya way sii bateen iyagoo dhahaya ‘wax baan xukumi doonnaa, kuma noolaad doonno waddan’ dadaalkooda oo dhanna arrintaas ayey isugu geynayaan. Ujeedooyinkooda waxaa ka mid ah inay dhib u abuuraan dadkeenna.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Goobjoog News