U bood dhigaalka

Akhriso: Guddiyada Doorashada Dadban ee Maamul Goboleedyada Qaar oo La Magacaabay

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadihii tagay la magacaabay guddiyo kala duwan oo dowlad goboleedyada ay u xil saareen qabashada doorashooyinka dadban ee qaran ee ka dhacaya maamul goboleedyada.

Ilaa hadda waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay guddiyada doorasho ee Galmudug, Koonfur galbeed iyo Somaliland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay xubnaha guddiga doorashada heer federaal ku  maamulka Galmudug doorashada soo aadan, xubnaha ayaana ka kooban 8 xubnood , waxaana ku jira laba haween ah.

 

 

 

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareeen ayaa ku dhawaaqay xubnaha guddigaas ku matali guddiga doorashada heer federaal sida lagu ballamay heshiiskii kusoo idlaaday Muqdisho, waxaana uu soo magacaabay 8 xubnood waxaana ku jira laba haween ah.

 

Dhanka kale raiisalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku  dhawaaqay guddiga maamulaya doorashada xildhibannada Somaliland kasoo galayo dowladda federaalka, waxaana ay ka kooban yihiin 11 xubnood, kuwaas oo maamulayo doorashada labada aqal ee Somaliland ee Muqdisho lagu qabanayo.

Scan-3

  1. Khadar Ciise Xuseen
  2. Sundus Ibraahim Cali
  3. Axmed Daahir Xasan
  4. Maxamed Cabdullahi Jirde
  5. Cabdiraxmaan Cusmaan Aadan
  6. Samsam Maxamed Faarax
  7. Najiib Xuseen Samaale
  8. Kahadar Cabdullahi Aden
  9. Seynab Ismaaciil
  10. Ifraax Cumar Ducaale
  11. Umeyma Cabdullahi Ciise

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa weli ku dhowaaqin xubanaha guddiyada heer federaal ee doorashooyinka qaranka ee ka dhicidoona maamulladaas sida lagu ballamay heshiiskii ay wada gaareen Farmaajo iyo maamullada dalka.

Goobjoog News