U bood dhigaalka

Twitter-ka oo Shaqo Ka Qabtay Trump, Waxaa uu Caalaamayey, Lana Socdaa Qoraallada Madaxweynaha

Sheeko:Amniga

Shirkadda Twitter-ka ayaa calaamadeysan qaar ka mid ah qoraallada uu bartaas ku baahiyo madaxweynaha Mareykanka Trump.

Afhayeen u hadlay shirkadda Twitter-ka ayaa sheegay in qoraallada la calaamadeeyey ay ku jiraan iskudey lagu marin habaabinayo dadka isla markaana lagu faafinayo warar qaldan oo beenabuur ah.

Qoraallada la tiray ama la calaamadeeyey waxaa ka mid ah mid uu Trump caddeyn la’aan sheegayo in la diiwaangeliyey codad badan si sharci darro ah wixii ka dambeeyey 8-dda habeennnimo talaadaddii hore.

Mid kale oo la calaamadeeyey waxaa ka mid ahaa mid uu leeyahay aniga ayaa doorashada ku guuleystay, waxaana lagu dul qoray, ilaha rasmiga natiijada ma sheegin marka uu qoraalkan la daabacay.

Waxaa kale oo shirkadda Twitter-ka qoraallo kale oo qoraalkood uu kazoo xiganayo dadka oo sheegaya in korjoogeyaasha loo diiday iney galaan qolalka codadka lagu tiriyo.

Isla shirkaddan waxaa kale oo ay calaamadeysay qoraal uu bartooda uu soo geliyay Trump kadib markii lagu dhawaaqay inuu Trump guuleysay “Aniga waxaa ku guulystay 71 million oo codad sharci ah”, taasi oo Twitter-ka ku dul qoreen “Sheegashadan ah in doorashada lagu shubtay dood ayaa ka taagan”

Shirkadda Twitter-ka ayaa dhaqan gelisay siyaasadda hufnaanta intii ay socotay doorashada Mareykanka iyada oo la socotay waxyaabaha socda.

Goobjoog News