U bood dhigaalka

Kenya: Soomaaliya Nooma Sheegin Safiir La Ceyriyey

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenay oo ka jawaabeysa ceyrintii Soomaaliya ee safiirka Kenya iyo lasoo noqoshada midkeeda ayaa sheegtay in aaney jirin warqad rasmi ah oo Muqdisho ka timid, oo loogu sheegay in safiirka Kenya uu dalkiisa u aado wadatashi.

Kenya waxaa ay sheegtay iney ka shalaayneyso tallaabada ay qaadey Soomaaliya iyada oo loo cuskaday eedeymo aan xaqiiq aheyn oo ah faragelin joogta ah.

Nairobi waxaa ay qortay iney ixtiraameyso madaxbannaanida, qarannimada dhammaan dalalka gaar ahaan kuwa Afrika.

Dhankeeda, Kenya waxaa ay ku celisay sida ay u taageeryso shacabka Soomaaliyeed iyo heshiiskii golaha wadatashiga ee la saxiixay September 2020 ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee ku aadanaa doorashada, waxayna dhinacyada ugu baaqday iney ka dhabeeyaan, oo ay joojiyaan falalka lagu duwaya, ee taa badalkeeda ay ka shaqeeyaan doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Ugu dambeyntii, waxaa ay Kenya balanqaaday iney sii wadeyso taageeradeeda ku aadan Soomalaiya ee dhanka amniga, ganacsiga iyo horumarinta hey’adaha kala duwan

Goobjoog News