U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Haddii Riddadii Ay Siyaasad Noqotay Waa Nasiib Darro

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo  Khudbad uu u jeediyay ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland iyo hay’adaha maamulkas  uga hadlay xaaladaha guud  ee dalka, sida doorashooyinka arrimaha gobolka Gedo iyo xaaladda guud amniga, isagoo eedeyn u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah.

Madaxweynha oo hadlayey arrimaha doorashooyinka federaalka ayaa yiri” Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo, Jubbaland waxaa ay u faro dhuudhuuban tahay in doorasho ay wadankan ka dhacdo. Xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya iyo meesha ay mareyso waxaa asal u ah isbedelka siyaasadda ee dhacaya , waxaa asal u ah in afartii sano ay mar doorasho dhacdo, waxaa asal u ah in dadka wixii ay ku heshiiyaan ay meel mariyaan taa ayaan diyaa u nahay”

Madaxweyne Axmed Madoobe oo sii hadlaayo ayaa yiri” Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda waxaa ay ku heshiiyeen in wadanka doorasho ay ka dahacdo xiligeedana ay ku dhacdo, waxaan iri gobolka Gedo Jubbaland ayaa ka talisa,  heshiis ayaan gaarnay, waxaan doonaynaa gobolka Gedo in gacanta Jubbaland loo soo celiyo maanta wax guddoomiye ah oo ka joogo ma lahan, maalin welibana waxaad arkaysaa warqad la leeyahay gobolka Gedo ayey ka soo baxday, war annaga ayaa Soomaali kulmina, waxaana rabnaa inaan horseedno doorasho xor iyo xalaal ah”.

Sidoo kale madaxweynaha oo eedeeyey dowladda ayaa yiri” Shabaab ayaa horay iigu xukumay  Axmed Madoobe waa murtad,  barnaamijkeenii yuu ka hor yimid, qoladaan Xamar joogta war doorashadii sidaan ku wadanay ayuu ka horyimidoo waa Murtad. Haddii Riddadii ay siyaasad noqotay oo halkaas gaartay waa nasiib darro, meel looga wareegana malahan, mana rabo inaan ku sii dheeraado, laakiin reer Jubbaland waa mid xildhibaannada jooga meel ayey u codeynayaan doorashada inta maamullada kale leeyihiin ayey leeyihiin Jnbbaland waxna kama duwan.

Dhanka kale madaxweynaha Jubbaland ayaa dardaaran u jeediyey dowladda federaalka ah waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ” Waxaan kula dardaarmayaa dowladda Soomaaliyeed in in ay ilaaliso wadankaan, maxaa nakala hagaya afar sano yaa Allah  ayaan wax ku dhoodhoobeynaa, waqtigii Xasan Sheekh ayaa noogu horeysay kumeel gaarnimo laga baxo waxaana ku dhaqmeynaa waa inuu isbedelku deg deg ku dhaco oo ninkii calaf ku leh uu qaato guusha”.

Goobjoog News