U bood dhigaalka

Hobyo: Dekadda oo ay Kusoo Xiratay Doonni Ganacsi, Maxaa Saarnaa?

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta ku soo xirtey Dekedda Hobyo Doonni ganacsi oo u rarnayd ganacsato reer Galmudug ah, Doonnidan oo sidey xamuul iskugu jira Gawaari, Shidaal, cunooyin kala duwan iyo qalab dhismo ayaa waxaa dhammaantood lagu dejiyey iyada oo la isticmaalayo shactaro, wishash iyo agab kale oo loogu talo-galay howl-gelinta Dekedda KMG-ka ah.

Dooddidan waxaa saarnaa 39 baabuur, shidaal ilaa 2400 fuusto ah, 3,000 kiish oo bur ah, 5500 10kg oo kartoon baasto ah, 1300 kastoon oo saliid, caanobooro iyo qalab dhisme ah.

Doonidan ganacsi ayaa waxa ay bilaw u ahayd qorshihii howlgelinta Dekadda KMG-ka inta laga gaarayo dhismaha Dekadda Casriga ah oo aan rajaynayno in ay bilaabato bilawga sanadka soo socda Insha Allah.

Wasiirka dekadaha Galmudug Cabdisabir Shuuriye  oo arrinkan ka hadlay ayaa yiri “Waxa aan u mahadcelinayaa ganacsatada Shirkadda Baraarug oo aaminay Dekeddan KMG-ah kuna dhiiraday in ay  hantidooda galiyaan howshan bilawga ah, waxaa aan dhinaca kale codsi u diraynaa ganacsatada kale ee reer Galmudug in ay ganacsigooda deegaanada kale qeyb ahaan u soo wareejiyaan Dekedda KMG ah ee Hobyo, annaga oo maamul ahaan ku soo dhaweynayna Adeeg Hufan iyo dhiirigelin wanaagsan”.

Goobjoog News