U bood dhigaalka

Jadwalkii Doorashada Dadban oo Gebi Ahaan Burburay, 6 Qodob oo Qornaa 5 Ka Mid ah Waxba Lagama Qaban

Sheeko:Amniga

Waxaa gebi ahaanba burburay jadwalkii doorashada dadbanaa ee  ay ku heshiiyeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee Soomaaliya October 2, 2020

Hab-raac la sameeyey waxaa ku xusnaa dhammaan jadwalka sida dhismaha guddiyada kala duwan ee doorashada, guddiga xalinta khilaafaadka iyo xataa  jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha dowladda federaalka ah.

Horay waxaa loo dhisay guddiyo lagu muransanyahay, waxaanse la qaban  shaqooyin kale oo ay ku jiraan soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta, doorashada aqalka sare iyo doorashada xildhibaannada golaha shacabka.

Keliya jadwalka burburay waxaa ka haray doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha oo aheyd in la qabto January 1 ilaa February 8, 2021.