U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Gaari Ku Gubtay Duleedka Gaalkacyo

Sheeko:Caafimaadka

Gaari siday dad rakaab ah ayaa waxaa uu dab ku qabsaday gobolka Mudug, xili uu ku sii jeeday magalaada Gaalkacyo,  gaariga ayaana ahaa nuuca loo yaqaano Leylo Calaawi , waxaana uu ka baxay magaalada Muqdisho

Qof ka tirsan ehelada qaar kamid ah dadka ku waxyeeloobay gaariga ayaa oo Goobjoog News la hadlay ayaa waxaa uu u sheegay in dabka gaariga qabsaday ay ku geeriyoodeen laba ruux halka uu dhaawac soo gaaray shan ruux oo ka tirsanaa rakaabka  gaariga saarnaa waxaana uu yiri.

“Waxaa ku geeriyooday 2 gabdhood oo ka yimid Muqdisho, waxaana uu dhaawac uu soo gaaray 5 ruux, 3 rag ah iyo laba gabdhood, waxaa xaalkooda daran yahay awoowe iyo 3 wiil oo kale oo ka raabka ka tirsanaa, waxaana uu  dhaawac yar uu soo gaaray gabar yar oo awoowe la sucotay”

Dadkii ku dhaawacmay gaariga ku gubtay ayaa waxaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Galaakacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo lagu baxnaaninaayo xaaladdooda caafimaad,

Goobjoog News