U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Ka Warbixiyey Howgallo Laga Sameeyey Jubbada Hoose

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay ayaa  howlgallo saacadii lasoo dhaafay laga fuliyey gobolka Jubbada hooseIN  lagu diolay saraakiil ka tirsan Al-shabab, waxaana uu si gaar ah uga dhacay degmada Jamame iyo deegaanno dhaca nawaaxigeeda.

Taliyaha Ururka 5-aad ee Danab Cadheeg Axmed oo la hadlay idaacadda ciidamada ayaa sheegay in howgalka lagu dilay 13 sarkaal oo ka tirsan Al-shabab,deegaanno hoostaga Jamaame, waxaa uu intaas ku daray in howlgalka lagu burburiyey fariisimo ay ku lahaayeen Jamaame, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka ayaa howlgallo kala duwan waxaa ay ka wadaan gobolada dalka, gaar ahaan Jubbooyinka, waxaana saraakiisha xooga dalka  ay sheegaan in u jeedkoodu yahay sidii lagu gaari lahaa magaalada Bu’aale oo ah caasimadda rasmiga ah maamul goboleedka Jubbaland.

Goobjoog News