U bood dhigaalka

Hargeisa: Madaxweyne Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Malawi oo Kulan Yeeshay

Sheeko:Amniga

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweeynaha Somaliland ama xafiiskiisa  Xarunta madaxtooyada magaalada Hargeysa kulan kula qaatay wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar booqasho ku tegay Magaalada.

Kulanka waxaa looga hadlay  xiriirka Malawi ay la yeelaneeyso Somaliland oo ay isku taariikh ah, kana wada tirsanaayeen maxmiyadii Ingiriiska oo dhinaca xukumi jirtay, madax-bannaanidoodana ay ka kala qaateen 26-June-1960.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland, ayaa ugu horreeynti kulanka waxa uu wafdiga warbixin uu ka siiyay isbadala ka socda Somaliland,  isagoo sheegay inay xaq u leeyihiin inay helaan aqoonsi caalami ah, maadaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna.

Mr Eisenhower  Wasiirka Aarrimaha dibedda Malawi ayaa waxaa uu madaxweynaha Somaliland iyo shacabkiisa uga mahad celiyay sida loogu soo dhowweyay Magaalada Hargeysa, waxaanu madaxweynaha gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera.

Madaxweeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland, sida wasiirka Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Si kastba dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay xiriirka saaxiibtinimo u jartay dhigeeda Kenya kadib markii uu booqasho ku tagay madaxweeynaha Somalialnd, mala ogo go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka qaadan doonto wafdiga ka socda  dowladda Malawi , ee gaaray magaalada Hargeysa .

Goobjoog News