U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Kenya oo Soo Celinaya Xiriirka Diblomaasi-TV-ga Qatar

Sheeko:Amniga

Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku afgartay iney soo celiyaan xiriirka diblomaasiyadeed kadib hal bil oo dhanka Muqdisho uu ka jarnaa. Sidaasi waxaa baahiyey shabakadda ay Qatar leedahay ee Al- Jazeera. Goobjoog si madaxbannaan uma xaqiijin karto warkaasi.

Sida ay qortay shabakaddan ay maalgeliso xukuumadda Qatar, oo aad ugu dhow maamulka Farmaajo, madaxweyneyaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaliyey khilaafkii u dhaxeeyey. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu ku dhacay shirkii aan caadiga aheyn ee axaddii ay IGAD ku qabatay Djibouti.

Al-Jazeera, ayaa sidoo kale qortay in shirka uu dib u dhac ku yimid si labada dal ay khilaafkooda u xaliyaan, xiriirkana u soo celiyaan.

Maxamed Cabdirisaq oo ah wasiirka arrimaha dibadda oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maanta oo isniin ah uu soo bixi doonno war murtiyeedka shirka.

Goobjoog News