U bood dhigaalka

Maxay Dawladda Qatar Ka Tiri Wada Wadaxaajoodyada Lagu Xalinayo Xiisadda Khaliijka?

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Mohammed bin Abdul Rahman bin Jassim Al Thani ayaa xaqiijiyay in guul laga gaaray dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisada khaliijka ee soo jiitamaysay ilaa 2017-kii.

Al-Thani ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Mosco maanta oo Arbaco ah in heerka horumarka laga gaaray wadahadallada laga dheehan karo bayaanka ay soo saartay Kuwait laba toddobaad ka hor, isagoo caddeeyay in ujeedka hadalkiisu u ahaa in “heshiis horudhac ah laga gaaray hannaanka loo marayo dib u heshiisiinta.”

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan jirin wax carqalad siyaasadeed ah oo ku horgudban dadaalada lagu doonayo in lagu xalliyo xiisadda Khaliijka. Isaga oo ka jawaabaya su’aal ka timid TV Ruushka ah ee RT, Al-Thani waxa uu xaqiijiyey in wadahadallada xallinta xiisadda ay Qatar la yeelatay Sucuudiga oo keliya, laakiin Boqortooyada sucuudigu ay meteleyso dhinacyada kale, isaga oo ammaanay wadaxaajoodyadan “mira dhalka ah”

Wasiirka ayaa ka digay in sii socoshada khilaafka aysan dan ugu jirin dhammaan dowladaha Khaliijka, isagoo carabka ku adkeeyay in shucuubta dalalka ku bahoobay golaha Iskaashiga Khaliijka ay yihiin kuwa uusoo gaarayo khasaaraha ugu badan ee khilaafan.

“Dhammaan dowladaha khaliijka waxay ka bixi doonaan dhibaatada iyagoo guulaystay, waa haddii aan awoodno inaan dib u dhisno kalsoonida Golaha Iskaashiga ka hay’ad goboleed ahaan” ayuu warkiisa kusoo gabgabeeyay wasiirku.

Goobjoog News