U bood dhigaalka

Jadwalkii Guddiga Lagu Muransanaa Ee Doorashada oo Gebi Ahaanba Burburay

Sheeko:Amniga

Waxaa fashilmay jadwalka doorashada ee 23-kii bishan ay soo saareen guddiga lagu muransanaa ee doorashada ee heer federaal kuwaas uu xafiiskoodu yahay caasimadda Muqdisho.

Kooxdan oo soo saartay jadwalkan cusub kadib markii uu gebi ahaanba horay u burburay midkii ay September ku heshiiyeen madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku adkeystay in maanta oo ah 29-ka December mid u asteysan iney maamul goboleedyada soo gudbiyaan murashaxiinta aqalka sare.

Ilo ka tirsan guddiga doorashada heer dowlad goboleed oo qaabilsan aqal sare ayaa dhowaan Goobjoog News u sheegay in aaney ka warqabin jadwalkaas isla markaaa ay iska joogaan Xamar.

Fashilka jadwalkan cusub waxaa uu farriin u dirayaa in maamul goboleedyada iyo kooxdan aaney isla socon, halka kuwa dambe ay qorteen in dalka uu aqalka sare yeesho kahor 10 maalin gudahood.

Jadwalka waxaa u ku qornaa: